Khawaarijta Al-shabaab oo rayid ku xasuuqay Shabeellada hoose

Date:

Ugu yaraan 3-qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen miinooyinka dhulka lagu aaso oo ay Khawaarijta Al-Shabaab ku qarxiyeen qaar ka mid ah shacabka degaanka Bariirre ee gobolka Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabbeellada hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dadka dhaawaca ah loo soo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho, dadka dhintayna la aasay, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh la wadaagay ehelada dadkii ay dhibaatadu haleeshay.

Mudane, Maxamed Ibraahim Barre oo faah-faahin ka bixiyay qaabkii ay rayidka u xasuuqeen arxan laawayaasha khawaarijta Al-shabaab ayaa yiri, “marka hore waxay qarax la beegsadeen Mooto uu qof shacab ah watay, ka dibna waxay qarax kale la beegsadeen dad weynihii usoo gurmaday ee goobta isugu yimid”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn dowladda federaalka, maamulka koofur galbeed iyo bulshada ku dhaqan caasimadda ka codsaday in kaalmo iyo garab istaag loo fidiyo shacabka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyada ay dhigeen khawaarijtu.

Dhowaan ayay ahayd markii khawaarijtu in ka badan 20 Carruur ah ku laysay qarax ay dhigeen goob ay ku cayaarayeen duleedka degaanka Jannaale ee isla gobolka Shabeellada hoose, taas oo qeyb ka ah falalka arxan darrada ah ee ay shacabka iyo maatida la beegsadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay wiil 13jir ah oo la dhibaataysan DAB uu ku gudbtay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo ka qaybgalay Bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo Difaaca ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa maanta kala...

Wasiir-dowlaha Gaashaandhigga oo marti-galiyay Kulan looga hadlaayo illaalinta Carruurta 

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa marti-gelisay kulanka seddex biloodka...