Waa kuma Horjooge “Ismaaciil Injineerka” oo madaxiisa la dul dhigay Shan Milyan oo Dollar? ( Warbixin)

Date:

Horjooge Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo Mareykanku dul dhigay madaxiisa lacag dhan 5-milyan oo dollar, waa nin dhagar badan kuna shaqeysta maleeshiyaad uu aad u duleystay.

Cabdullaahi Cusmaan oo Khawaarijtu u yaqaannaan” Cismaaciil Injineerka”, waa horjooge ka soo jeeda gobolka Hiiraan una qaabilsan Khawaarijta labo qeybood oo ka shaqeysa dhagarta iyo buu-buuninta:-

1- Waa madaxa guud  ee warbaahinta Khaawarijta, waxaanna hoostaga maleeshiyaad uu u adeegsado faafinta wararka been abuurka ah iyo buu-buuninta hadallada horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ay ku banneysanayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

2- Wuxuu mas’uul ka yahay qeybta qaraxyada oo ay ka shaqeeyaan maleeshiyaad isugu jira Soomaaliya iyo Ajaaniib, kuwaas oo diyaariya qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Qeybtan qaraxyada waa si gaarb ah mas’uul uga ah ku-xigeenka Cismaaciil Injineerka oo lagu magacaabo  Mustafa Jihaad oo loo garan ogyahay ” Axmed Gurey”, waana nin u dhashay Dalka Mareykanka, horjoogahan magaciisa kor soo xusnay ayaa si gaar ah hagar-daamooyinka iyo dhagaraha ugala shaqeeya horjooge Axmed Diiriye oo Khawaarijtu ay u yaqaanaan “Abuu Cubeyda”.

Horjooge Cabdullaahi Cusmaan oo Khawaarijtu ay u taqaanno ” Cismaaciil Injineerka” waa shaqsi cabsida haysa darteed xitaa iska qariya maleeshiyaadka uu maamulo. Horjoogahan dadka yaqaanno waxay ku sheegeen inuu yahay nin dhiigyo cab ah aan u turin qof bini-aadam ah,waxaanna tusaale u ah inuu nafta dhaafiyay qaar ka mid ah maleeshiyaadka uu gacanta ku hayo si kuwa kale ee nool ugu quus qaataan.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in horjoogahan uu ku dhuumaaleysanayo gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya, si gaar ah wuxuu ugu badan yahay gobollada Shabeellada hoose iyo Jubbooyinka.

Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee sida xoogga ah ugu shaqeysanayo horjoogahan ma noqon doonaan kuwo ku tartama soo sheegistiisa si ay u helaan lacagta madaxiisa dul saaran ee ah Shanta milyan, ummadda Soomaaliyeedna kaga badbaadiyaan dhagarta iyo hagar-daamooyinka uu u maleegayo?.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...