Waa kuma Horjooge “Ismaaciil Injineerka” oo madaxiisa la dul dhigay Shan Milyan oo Dollar? ( Warbixin)

Date:

Horjooge Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo Mareykanku dul dhigay madaxiisa lacag dhan 5-milyan oo dollar, waa nin dhagar badan kuna shaqeysta maleeshiyaad uu aad u duleystay.

Cabdullaahi Cusmaan oo Khawaarijtu u yaqaannaan” Cismaaciil Injineerka”, waa horjooge ka soo jeeda gobolka Hiiraan una qaabilsan Khawaarijta labo qeybood oo ka shaqeysa dhagarta iyo buu-buuninta:-

1- Waa madaxa guud  ee warbaahinta Khaawarijta, waxaanna hoostaga maleeshiyaad uu u adeegsado faafinta wararka been abuurka ah iyo buu-buuninta hadallada horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ay ku banneysanayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

2- Wuxuu mas’uul ka yahay qeybta qaraxyada oo ay ka shaqeeyaan maleeshiyaad isugu jira Soomaaliya iyo Ajaaniib, kuwaas oo diyaariya qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Qeybtan qaraxyada waa si gaarb ah mas’uul uga ah ku-xigeenka Cismaaciil Injineerka oo lagu magacaabo  Mustafa Jihaad oo loo garan ogyahay ” Axmed Gurey”, waana nin u dhashay Dalka Mareykanka, horjoogahan magaciisa kor soo xusnay ayaa si gaar ah hagar-daamooyinka iyo dhagaraha ugala shaqeeya horjooge Axmed Diiriye oo Khawaarijtu ay u yaqaanaan “Abuu Cubeyda”.

Horjooge Cabdullaahi Cusmaan oo Khawaarijtu ay u taqaanno ” Cismaaciil Injineerka” waa shaqsi cabsida haysa darteed xitaa iska qariya maleeshiyaadka uu maamulo. Horjoogahan dadka yaqaanno waxay ku sheegeen inuu yahay nin dhiigyo cab ah aan u turin qof bini-aadam ah,waxaanna tusaale u ah inuu nafta dhaafiyay qaar ka mid ah maleeshiyaadka uu gacanta ku hayo si kuwa kale ee nool ugu quus qaataan.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in horjoogahan uu ku dhuumaaleysanayo gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya, si gaar ah wuxuu ugu badan yahay gobollada Shabeellada hoose iyo Jubbooyinka.

Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee sida xoogga ah ugu shaqeysanayo horjoogahan ma noqon doonaan kuwo ku tartama soo sheegistiisa si ay u helaan lacagta madaxiisa dul saaran ee ah Shanta milyan, ummadda Soomaaliyeedna kaga badbaadiyaan dhagarta iyo hagar-daamooyinka uu u maleegayo?.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,...

Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo La kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta...

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska...