Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulammo la qaatay xubnaha labada guddi ee dib u eegista Dastuurka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay Guddiga  La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo uu kala hadlay muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay howlaha dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo, waxa ayna xuseen in si degdeg ah ay u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo  Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen  ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka, halka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo bandhigay sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey Xubnaha Labada Guddi howlaha u qabsoomay ayaa kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan  sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...