Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulammo la qaatay xubnaha labada guddi ee dib u eegista Dastuurka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay Guddiga  La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo uu kala hadlay muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay howlaha dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo, waxa ayna xuseen in si degdeg ah ay u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo  Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen  ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka, halka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo bandhigay sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey Xubnaha Labada Guddi howlaha u qabsoomay ayaa kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan  sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...