Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Uganda

Date:

Burcad hubeysan oo u dhashay dalka Uganda ayaa magalada Kampala  ee Caasimadda dalkaasi Uganda, ayaa waxaa dil iyo dhawac loogu gestay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku noolaa halkaas.

Kooxdan Burcadda ah ayaa sida la sheegay tiro dhalinyaro Soomaali ah ku weeraray guri ay daganaayeen oo ku yaalla magalada Kampala, waxaana weerarkaas ku geeriyooday hal ruux, halka mid kalana uu ku dhaawacmay.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, gaar ahaan kuwa degan Magalada Kampala ayaa wajahaya cabsi ka dhalatay weerarkaan ay geysteen kooxdan Burcadda ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Uganda ayaa sheegay in Ciidamada Boolisska ay tageen halkii uu falka ka dhacay, ayna ku howlanyahiin baaritaanno ku saabsan dadkii weerarka geystay iyo waxyaabaha sababay weerarkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...