Muwaadin fashiliyey qarax khawaarijtu ku dhibaatayn rabeen shacabka Soomaaliyeed oo abaal marin la guddoon siiyey

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoonsiiyey lacag dhan 20kun oo dollar muwaadin Soomaaliyeed oo soo sheegay mooto Bajaaj siday qarax ay kooxaha Khawaarijta ah doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Sooamaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wadashaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’addaha ammaanka, isagoo ku ammaanay muwaadinkaas dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda Muwaadinkan abaal marinta lagu guddoon siinayey ayaa waxa qayb ka ahaa Agaasimaha Haya’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...