Taliyaha Ciidanka Lugta oo gaaray Deegaan xeebeedka Mareeg

Date:

Taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kormeer waxaa u ku tagay deegaan xeebeedka Mareeg oo  hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud qiyaastiina u jira 28 kiilo Miter oo khawaajirta Al-shabaab ay u isticmali jireen in ay kala soo dagaan hubka iyo walxaha qarxa.

Deegaankaan ayaa qayb ka ah goobaha Khawaajirta lagala wareegay,halkaas oo ay ku sugan yihiin hatan ciidamada qaybahooda kala duwaan oo ay ugu horeyaan kuwa ilaalida xeebaha,kadiba markii gacanta ay ku dhigeen CXD.

Khawaarijta ayaa horay uga mabnuucday in dadka ay u dalxiis tagaan xeebtan,taas oo ay sabab u ahayd in ay halkaas kala soo dagi jireen hubka iyo walxaha qarxa oo ay ku dhibaateyaan dadka Shacabka ah.

Deegaankaan ayaa haatan ay u dalxiis tagaan shacab ka kala yimid deegaanno hoostaga degmada Ceeldheer iyo qaar ka mid ah goboladda dalka.

Kadib guulo muhiim ah oo laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab ayaa  dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2022-kii ayaa deegaan xeebeedka Mareeg waxaa ay nasiib u yeeltay in ay qayb ka noqto deegaanadda laga dulqaaday heeryada xagjiriinta Khawaarijta Al-shabaab waxaana laga dareemay horumar dhanka dalxiiska iyo soo kabasho dhanka bilicda ah.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...