Taliyaha Ciidanka Lugta oo gaaray Deegaan xeebeedka Mareeg

Date:

Taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kormeer waxaa u ku tagay deegaan xeebeedka Mareeg oo  hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud qiyaastiina u jira 28 kiilo Miter oo khawaajirta Al-shabaab ay u isticmali jireen in ay kala soo dagaan hubka iyo walxaha qarxa.

Deegaankaan ayaa qayb ka ah goobaha Khawaajirta lagala wareegay,halkaas oo ay ku sugan yihiin hatan ciidamada qaybahooda kala duwaan oo ay ugu horeyaan kuwa ilaalida xeebaha,kadiba markii gacanta ay ku dhigeen CXD.

Khawaarijta ayaa horay uga mabnuucday in dadka ay u dalxiis tagaan xeebtan,taas oo ay sabab u ahayd in ay halkaas kala soo dagi jireen hubka iyo walxaha qarxa oo ay ku dhibaateyaan dadka Shacabka ah.

Deegaankaan ayaa haatan ay u dalxiis tagaan shacab ka kala yimid deegaanno hoostaga degmada Ceeldheer iyo qaar ka mid ah goboladda dalka.

Kadib guulo muhiim ah oo laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab ayaa  dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2022-kii ayaa deegaan xeebeedka Mareeg waxaa ay nasiib u yeeltay in ay qayb ka noqto deegaanadda laga dulqaaday heeryada xagjiriinta Khawaarijta Al-shabaab waxaana laga dareemay horumar dhanka dalxiiska iyo soo kabasho dhanka bilicda ah.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...