Gudoomiyaha degmada Buuloburte oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay fatahaadda Webiga Shabelle+Sawirro

Date:

Waxaa maanta innoo qabsoomay shir muhiim ah oo looga hadlayay Waxyeelada Fatahaada Gudaha degmada bulaburte iyo Tuuloyinka hoosyimada .

Shir aan caadi aheyn uu soo qaban qaabiyay maamulka Degmada bulaburte kana soo qeyb galeen, wakiilka wasarada gargaarka, mareynta iyo musiiboyinka Hirshabelle iyo Hey,adaha gargaarka  ka howlgala Degmada buloburte ee kala ah

Save the children, WFP, Wardi, ODHA,Mercy USA, VAD, Subaco,Hiwa .

ayaa lagu looga hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay saameysay Fatahaada iyo sidii xog sax ah looga heli lahaa Tirada dadka ay sameysay ee ku nool gudaha magalada, iyo Tuuloyinka, Tirada Dadka barakacay, goobaha ay u barakaceen, baahiya ay qabaan si loo gaarsiiyo gargaar dagdag .

Dood dheer kadib waxaa lawada qorsheeyay sidii loo aruurin lahaa Xogta Qoysaska ay sameysay fatahada, waxana loo xilsaaray Gudiga ka kooban Hey,adaha iyo maamulka .

Maamulka Degmada bulaburte waxuu marwalba ka go’an sidii qoysaskan loo gaarsiin lahaa Gargaar dagdag ah .

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...