Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyay shir looga hadlayay hormarinta Caafimadka dalka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa khudbad ka jeediyay shir-doceed looga hadlayay sidii loogu heli lahaa xarumaha Caafimaadka koronto ku shaqaysa cadceedda.

Shir-doceedka oo ka mid ah shirar doceedka ka garab dhacaya shirka Madasha Caafimaadka Adduunka ee ka socda Xarrunta Qaramadda Midoobay ee magaalada Geneva ayaa waxaa soo abaabulay Haayada UNOPS.

Waxaa shirkan kasoo qayb galay Wasiiro Caafimaad oo ka kala socday Wadamada kala ah Ethiopia iyo Sierra Leone. Waxaa dhanka kale shirka kasoo qayb galay Hey’ado farabadan oo ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka.

Shirkan ayaa wadankeena Soomaaliya wuxuu u lahaa muhiimad gaar ah, waayo wuxuu indhaha beesha Caalamka kusoo jeediyay doorka tamarta qoraxdu ay ka qaadan karto horrumarinta bixinta adeegga Caafimaadka, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka waayadii u danbeeyay ay waday dadaalo xarrumaha Caafimaadka lagu gaadhsiinayo korantada laga dhalliyo tamarta qoraxda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa shirka ka sheegay in Dawlada Soomaaliya ay ka go’antahay in la horumariyo nidaam Caafimaad oo kor u qaada bixinta adeeg Caafimaad oo aan saamayn xun ku reebin shacabka iyo deegaanada Soomaaliyeed, waxa uuna sidoo kale Wasiirku sheegay in ay ka go’antahay Wasaaradda Caafimaadka in xarrumaha Caafimaadka dalka lawada gaadhsiiyo korontada laga dhalliyo tamarka qoraxda.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...