Kalfadhiga seddexaad ee baarlamaanka 11-aad ee JFS oo maanta si rasmi ah u furmey

Date:

Kalfadhiga seddaxaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Munaasabad ka dhacday Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Aqalka Sarre Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada aqal.

Munaasabadda furitaanka kalfadhiga seddaxaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo iyagana lagu casuumay munaasabadda.

Xoghayaha Xafiiska joogtada ah ee Baarlamaanka Jabuuti Xildhibaan Saleemaan Daahir Bile ayaa Golaha Baarlamaanka hortiisa ka jeediyay khudbad iskugu jirta mahadcelin iyo boggaadin ayaa sheegay in walaalaha Jabuuti ay diyaar la yihiin hiil iyo hooba si dalka loogu dhigo nabadgelyo iyo xasilooni Bulsho iyo mid Siyaasadeedba.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal ka jeediyay munaasabdda furitaanka kalfadhiga Seddaxaad ee Baarlamaanka labada aqal ayuu xildhibaannada hortooda uga warbixiyay shuruuc muhiim ah oo Baarlamaanka 11-aad ay ansixiyeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin arrimaha deyn cafinta, Guddiga Dib u Eegista Dastuurka iyo Guddiga la Socodka Dastuurka. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in si deg deg ah loo gudo galo dib u eegista Dastuurka, isagoo sheegay in laga baxo dastuur KMG ah, loona soo gudbiyo Xildhibaanada si ay Goluhu u helaan waqti ku filan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlaayay dhisidda guddiga madax banan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa tilmaamay in dalka uu helo doorasho ku dhisan dimoqraadiyad iyo xorrnimo, Xildhiibanada soo socdana lagu soo doorto codeyn dadweyne, si taas loo gaaro ayuu gudoomiyuhu soo hadal qaaday in la soo gudbiyo Sharciga Doorashooyinka, isagoona Xildhibaanada kula dardaarmay in muhiimad gaar ah la siiyo dhameytirka iyo daadejinta dib u eegista Dastuurka. Waxaana uu adkeeyay in la dhiso Guddiga Xuduudaha madax banaan ee Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn furay islamarkaana soo xiray kullanka maanta ayaa marka hore ka mahadceliyay Ansixinta 11-ka sharci ee Baarlamaanka meel mariyeen iyo guddiga KMG ee dib u eegista Dastuurka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurka lagu sameeyo dalka gudihiisa, waxaana uu ahmiyad gaar ah siiyay Federaaleeynta garsoorka dalka, qaabeynta Amniga iyo Doorashooyinka Qaranka, la dagaalka argagixisada, dhismaha Ciidanka iyo ka hortagida ku mil mida arrimaha Siyaasadda, isagoona tilmaamay in dib loo bilaabi doono wajiga labaad ee Dagaalka, iyo soo afjarida Khawaariijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...