Hannaanka Doorashooyinka Dalka oo go’aan mideysan laga gaaray

Date:

Shirka 6-aad ee golaha wadatashiga qaran oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayn ka qeyb galeen, Ra’iisal wasaaraha dalka,Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, madaxda maamul gobolleedyada Jubbaland,Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Bamaadir oo Muqdisho ka qabsoomay 24-27-Maajo 2023, ayaa xalay warmurtiyeed laga soo saaray.

Golaha watashiga Qaran ayaa kulankooda uga dooday ajendayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin hannaanka doorashooyinka Dalka, xaaladda amniga dalka gaar ahaan diyaargarowga wejiga labaad ee ciribtirka Khawaarijta, dhammeystirka Deyn cafinta, fulinta heshiisyadii hore goluhu u gaareen, fataahadaha iyo qodobo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalk Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa saxaafadda u aqriyay qodobada ka soo shirka oo xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Goluhu wuxuu ka wada hadlay kuna wada heshiiyay qodobo badan oo muhiim u ah Dowlad dhiska Soomaaliyo iyo hannaanka dimuqraadiyadda, waxaana qodobka ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen ahaa in heshiis wadajir ah laga gaaray maamulka doorashooyinka Dalka, sida doorashada golaha shacabka, nidaamka madaxtinimada dalka, mideynta muddada Doorashada,Qoondada haweenka, Somaliland iyo gobolka Banaadir.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in Dalka oo dhan ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah oo ay ku tartamayaan labo xisbi qaran oo kaliya. Hannaanka Doorashooyink Dalka, wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isku-dheeli-tiran ee liiska xiran ( Proportional Representation Closed-List).

Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS, loona dardargeliyo habsami u socodka Dowladnimadeennu, wuxuu goluhu isku raacay in dalka qaato nidaam madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, waxaana hal warqad ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka,iyadoo lagu saleynayo nidaamka Xisbiyada badan.

 

Waxaa kale oo goluhu ku heshiiyay in doorashooyinka heer federaal iyo heer DXDF noqdaan qof iyo Cod oo shantii sano halmar ah.Doorashada golaha wakiilada DXDF waxay dhici doonaan 30ka June 2024. halka doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay dhici doonto 30 November 2024.

 

Sidoo kale, goluhu ayaa ku heshiiyay in kuraasta lagu tartamayo lagu soo doorto hal deegaan doorasho  ( Single Constituency), sidoo kale, kuraasta golaha shacabka ee loo tartamayo oo ah 275-xubnood oo matalaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo meel walba ay joogaan ayaa waxaa si toos, madax bannaan oo qarsoodi ah u dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha golaha deegaanka waxaa si toos ah u dooranaya Bulshada deegaanka , kuraasta golaha deegaanka waxaa ku tartamaya urur siyaasadeedyada, waxaana Dalka yeelan doona labada urur siyaasadeed ee ugu cododka badan.

Si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo leh hal been caalami ah, waxay Dowladda federaalka Soomaaliya xaqiijineysaa xaqa muwaadinka u leeyahay inuu wax doorto Lana doorto.

Heshiiskan, shacabka Soomaaliyeed wuxuu u dhoweynaya xukunka ayaa muddo la naawilayay, waxayna hadda shacabka Soomaaliyeed rejo buuxda ka qabaan in ay doortaan hoggaankooda si ay ula xisaabtamaan.

Waxaa la dhisayaa guddiga madaxa- bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ah hay’ad madax bannaan oo u xilsaaran maamulidda iyo qabashada doorashooyinka kala duwan ee dalka iyo Soohdimaha.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...