Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay shiqsiyaad Soomali ah iyo Shirkado

Date:

Xafiiska Mareykanka u qaabilsan koontaroolka hantida shisheeye ย ee Waaxda lacagta ayaa xayiraad ku soo rogay ย 26 qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab.

Xayiraaddaan oo sidoo kale lagu soo rogay todobo shirkadood , waxaa dadka la bartilmaameedsaday kamid ah 15 โ€˜fududeeye iyo shaqaale, 4 nin oo ganacsato ah oo dhoofiya dhuxusha,kana tirsan Al Shabaab.

Waxaa kaloo dadka la bartilmaameedsaday ku jira hogaamiye goboleedyo muhiim ah, dad gacan saar la lehโ€™ iyo wax Maraykanku ku tilmaamay โ€˜xubno ka tirsan argagixisada Soomaaliya oo ku lug leh hawlo fara badan oo ay ku taageerayaan Al Shabaab.

Dadka la xayiray ayaa la tilmaamay in ay ku lug lahaayeen fududaynta dhaqaalaha, hawlaha ganacsiga, canshuuraha lagu uruuriyo magaca kooxda, samaynta waxyaabaha qarxa ee gacan ku samayska ah iyo dhuxusha sida qarsoodiga ah looga dhoofiyo Soomaaliya.

Xubnahaas Al Shabab lala xiriiriyey waxay warbixinta Maraykanku sheegtay inay ahaayeen hogaamiye goboleedyo muhiim u ah Al Shabaab oo jooga Shabeellada Hoose, Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe.

Hasaan Abshir Xuurow

Aadan Yusuf Siciid Ibraahim

Muumin Dheere ย 

Macalin Burhan

Cali Axmed Xuseen ย 

Axmed Kabadhe ย 

ย Siyaad Ayuto

ย Maxamed cabdullaahi Xiireey

ย Cabdi Roobow (Roobow)

.Xasan Yariisow Aadanย 

ย Siciid Cabdullaahi Aadan

Aadan Jiis ย 

Cumar Guhaadย 

.Cali Axmed

Bashiir Khaliif Muuseย 

Maryan Barreย 

Cabdiwahaab Nuur Cabdi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale