MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY MEERTADA 32-AAD EE JAAMACADDA CARABTA

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa Khudbadiisa kula wadaagay Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo howlgallo qorsheysan oo dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, loona diyaarinayo Ciidanka Soomaaliyeed in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyadoo ay qorsheyaashaas barbar socdaan hiigsiyo qaran oo ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya iyo xasilinta siyaasadeed ee dalka.
“Waa inaan dardargelinno iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga heer Carbeed. Soomaaliya maanta waxay ka soo kabanaysaa duruufo adag oo ay dhabar adeyg ku wajaheen shacabka Soomaaliyeed, waxaan rajaynaynaa in aad sii laba jibaartaan garab istaagga walaalnimada ah ee aad noo muujiseen. Soomaaliya xasilloon oo hurumarsan waxay guul u tahay dhammaan dalalka Carabta”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan dib ugu soo noqoshada Jamhuuriyadda Suuriya ee Madasha Jaamacadda Carabta, isagoo dhanka kale xoojiyey baaqii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa walaalaha dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, wadahadallna ku dhameeyaan xaaladda ka taagan dalkaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Hoggaamiyeyaasha xusuusiyey in dalalka Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay in loo midoobo sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...