Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Date:

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden.

Soo dhaweyntaan, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Xildhibaanada Labada Aqal ee Dowaldda Fedaraalka Soomaaliya, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal, Siyaasiyiin iyo qeybo ka mid ah Bulshada Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Mudane. Cabdullaahi Aadan oo safar shaqo ku yimid Soomaaliya, ayaa inta uu joogo waxa uu la kulmi doonnaa Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir si la isaga kaashado wada-shaqeynta iyo wax is-dhaafsiga labada Magaalo ee Bolnas iyo Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...