Maamulka Degmada Baladweyne oo ka hadlay fatahaadda webiga shabeelle

Date:

Guddoomiyaha degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Cumar Cismaan Calasoow ayaa sheegay in xalay uu webiga Shabeelle ku fatahay qeybo ka mid ah afarta xaafadood ee ay magaaladu ka kooban tahay.

Guddoomiye Calasoow oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in magaalada loo sameeyay dhowr biyo xireen balse uu webigu dhaafay xaddigii laga filayay fatahaadda, isla markaana jabsaday goobo badan laga moosay biyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan biyuhu geysan qasaara weyn balse ay jiraan xaafado iyo suuqyo ay galeen biyuhu, iyagoo ka sare maray Buundada Liiq-liiqato wax gaadiid ahna uusan isticmaalayn, maadaama laga cabsi qabi in ay waxyeello soo gaarto.

Wuxuu sheegay guddoomuhu in ay magaalada ka barakaceen boqolaal qoys haatanna ay wadaan ka maamul ahaan dedaallo la xiriira sidii loola tacaali lahaa fatahaadda webiga iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka.

Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in ay fatahaadda Webiga iyo saamayntiisa ay ka wada hadleen madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo maamulka gobolka Hiiraan, iyagoo isla gartay dadka ku go’doonsan gudaha iyo duleedka magaalada in loo gurmado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...