Ciidanka Hayโ€™adda NISA ee Koonfur Galbeed oo gacanta ku dhigay xubin katirsan khawaarijta

Date:

Dhagarqabe katirsan khawaarijta Al-Shabaab Oo doonayey in uu si dhuumaalaysi ah ugu Safro magaalada Gaalkacyo oo uu doonayay in falal amni darro uu kasoo fuliyo ayey Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonku ku qabteen Magaalada baydhabo.

Xubintan katirsan khawaar oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdullaahi Jaamac oo gudaha argagixisada looga yaqaanay Fahad ayaa sheegay in Aabihiis uu ku tashkiiliyay ku biirista khawaarijta, isaga oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu tababar kusoo qaatay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Wuxuu uu sidoo kale sheegay in markii laga qabanayay Garoonka diyaaradaha Baydhabo madaxdanka sarreysa ay ku amreen in uu tago Magaalada Gaalkacyo oo uu ku dhashay si uu falal amni darro ka geysto.

Saraakiisha Ciidanka Hayโ€™adda NISA ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ninkaan ay xogtiisa hayeen mudana ay ku raadjoogeen, isla markaana hataan ay ku wareejin doonaan laamaha amniga Soomaaliya.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...