Wafdi ka socda Sudan oo soo gaaray Muqdisho. {SAWIRRO}

Date:

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow ayaa goordhow Garoonka Ku soo dhoweeyay wafdi ka socda Dalka Suudaan oo uu hogaaminayo Daf Calah Xaj Cali oo ah ergayga gaarka ah ee dalka Suudaan.
Wafdigani ayaa kulan la qaadanaya Madaxda Sare ee DFS.

Xaaladda Suudaan ayaa isbedeshay markii ay xiisado dagaalo hubeysan ay oogmeen 15-kii bishii April ee sanadkani kuwaasi oo u dhaxeeya Dowladda Militariga taasi oo keentay in ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi ay DFS bilowdo in laga soo saaro.
Xiisadaha dagaalada Suudaan ayaa waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur balse Dowladda Sacuudiga ayaa bilowday wadahadallo u dhaxeeyo dhinacyada Suudaan si loo xaliyo Xaaladda dagaalada hubeysan.
Labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan ayaa leh xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah kaasi oo taabsnaya dhinacyo badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...