Madaxweynaha Puntaland oo dhagax dhigay wadadda isku xirta Garoowe iyo Garacad

Date:

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Wadada Garoowe-Garacad, Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimada ay Wadadan u leedahay Bulshada Puntland.

Waxaana Goob joog ka ahaa dhagax dhiga wadadaani Masuuliyiin ka Socotay laamaha Dowlada iyo Odayaasha deegaanka .

Dhanka kalama Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Awrculus oo ka tirsan degmada Garoowe .

Madaxweynaha oo fagaare Kula hadlay Bulshadii soo dhoweysay, ayaa ku baaqay in dadka deegaanku in ay isu diyaariyaan Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25-May 2023, wuxuu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay waxa ugu weyn ee Dowladda laga sugayey, Sidaasi darteed loo baahanyahay in Bulshadu fursadan ka faa’ideystaan.

Waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee deegaanka Awrculus, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha booqashada taariikhiga ah, horumarka Dowladdu wado, Dhismaha Wadada Garoowe iyo Garacad oo deegaanka maraysa iyo fursada ay Bulshadu ku dooranayso Madaxdooda.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...