Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan dalka Morocco ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee hayโaddaha maaliyadda Carabta, kaas oo maanta ka furmay magaalada Rabaat ee dalka Morocco, iyadoo looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga hayโaddaha dhaqaalaha dalalkaย Carabta.
Wasiirka maaliyadda dowladda FS ayaa la waddaagay hayโaddaha iyo dowladdaha ka soo qaybgalay shirka arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka dib u-habeynta maaliyadda.
Dr Cilmi ayaa ku booriyey wasiirada maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta ee dhiggiisa ah iyo hayโaddaha kale ee maaliyadda ee shirka ka soo qayb galay in ay sii waddaan garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.
โWaxa aan ku booriyey wasiiradda maaliyadda Carabta ee dhiggayga ah iyo hayโaddaha kale ee Maaliyadda ee carbeed in ay sii wadaan garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn Cafinta Soomaaliyaโ. ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona inta uu shirku socodo wasiirada dhiggiisa ah iyo madaxda hayโadaha maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta ee shir ku sugan.
Dowlado iyo hayโado maaliyadeed oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya ku leh Malaayiin Dollar oo deymo ah, waxaana shirkan uu ahmiyad u leeyahay Soomaaliya, si ay ugu soo bandhigto hidisaheeda ku aaddan dhammaystirka barnaamijka deyn cafinta.
Muqdisho-Somalia
