Howlgalka la dagaalanka maandooriyaha oo si xoogan uga socda Muqdisho.

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa howlgal loogu magacdaray la dagaalanka Maandooriyaha iyo dhaqan xumada wajigiisii labaad xalay ka fuliyay dhowr xarumood oo kuyaala degooyinka Hodan iyo Wadajir, kuwaas oo ay isugu imaadaan dhallinyara.

Howlgalka waxa guddoomiyaha ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir talisaka Boliiska Gobolka Banaadir waxana lagu soo qabtay tiro dhalinyara ah isticmaalayay waxyaabaha maankadooriya kaa oo uu guddoomiyaha kala hadalay kana waaniyay dhalinyarada in ay joo jiyaan maandooriyaha oo dhibaata badan ku hayo shacabka soomaaliyeed.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maalmahan waday howlgallo ka dhan ah maandooriyaha oo qeyb weyn ka ah amni darida mar marka qaar ka dhacda degmooyinka caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...