Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo gacan ka helaysa Hay’adda gargarka bin’aadanimada u qaabilsan ee dowladda sacuudiga ee Boqor salmaan ayaa Saakay 1,200 oo Qoys waxa ay Gargaar ugu qeybiyeen gudaha xarunta degaanka Gubadleey Ee Gobolka Banaadir kuwaas oo iskugu jiray dad danyar ah iyo kuwa deeganadoodii abaaro iyo colaado uga soo barakacay.
Mucaawinada la gaarsiiyey qoysaskaan ayaa iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka waxaana loogu talagalay in ay ku afuraan madaama lagu guda jiro 10ka danbe ee Bisha bareakaysan ee Ramadaan.
Goobta wax lagu qeybinayey waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiin sar sare oo katirsan SoDMA,Hay’aydda Boqor Salmaan iyo maamulka deegaanka Gubadleey.