C/raxmaan C/shakuur oo ka qeyb galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa Sugnaanta Cuntada {SAWIRRO}

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa Sugnaanta Cuntada, taas oo barbar socotay shirka shandlaha ah ee Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga Adduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).
Dooddaan oo ay qeyb ka ahaayeen madaxa Hey’adda Ganacsiga Adduunka (WTO), madax ka socotay Bankiga Adduunka, Wasiirrada Horumarinta Caalamiga ah ee dalalka Ingiriiska, Denmark iyo masuuliyiin kale, ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha wax looga qaban karo sugnaan-la’aanta cuntada oo ka dhalata colaadaha, saboolnimada, xaalufinta degaanka, fatahaadaha, abaarta iyo arrimo kale.
Ergeyga ayaa kulanka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha is hareer yaal ee Soomaaliya ka saari kara dhibaatada cunto yaraanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, isagoo xusay in Soomaaliya aysan kaalmo raadsi keliya ahayn ee ay miiska soo saarayso khayraad dabiici ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, dal ahmiyad juqraafi siyaasadeed leh iyo dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh.
Ergeyga ayaa horraanba muujiyay muhiimadda ay leedahay maalgalinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka, sida; in Soomaaliya lagu gacansiiyo maalgashiga dhanka beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, macdanta iyo shidaalka si ay u daboolaan baahida conto yarida, loogana kaaftoomo gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn.
Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay sanadkaan ka dhacaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo quseeya caalamka oo ay ku jiraan, ciribtirka faqriga, horumarinta dhaqaalaha, waxtarka gargaarka iyo dhacdooyin kale oo diiradda saaraya dhaqaalaha adduunka, horumarka caalamiga ah iyo hannaanka maaliyadeed ee dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...