Hay’adda Maareynta oo Qoysas danyar ah dhawaana uu saameeyey daadad xoog leh oo Magaalada Xudur ku soo Rogmaday Gaarsiisay deeq Mucaawino ah.

Date:

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Ayaa Maanta Qoysas danyar ah dhawaana uu saameeyey daadad xoog leh oo Magaalada Xudur ku soo Rogmaday waxa ay Gaarsiisay deeq Mucaawino ah.

Shixnadaan Gargaar waxaa ka Faaiideystay 215 Qoys oo iskugu jira Danyar iyo kuwa Qaba baahiyaha Gaarka ah .

Raashnika la gaarsiyey dadkaan ayaa iskugu jira Bur,Bariis,Baasto,Sonkor iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Raashinka.

Dhamaan dadkii Gargaarkaan loo qeybiyey iyo Maamulka Degmada Xudur ee Maamulka KGS ayaa u mahadceliyey Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka si gaar ah Guddoomiye Maxamuud Macalim Cabdulle waxaana ay shegeen in uu u soo gurmaday xilli Reer Xudur wajahayeen xaalada adag kadib Roob Mahigaan ah oo halkaas daadad ka dhashay ay xafadaha qaar buux dhaafiyeen,taas oo sababty in dadkii daganaa ay barakacaan.

Boqolaal dad ah ayaana ku barakacay biyahaas xoogan ee xafadaha qaar ku rogmaday,waxaana ay baabiiyeen Beero sanadkaan la filayey in ay soo saraan dalagyo kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Baydhabo ka daah-furay doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Shacabka Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Degaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah...