Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo Khadka Telefoonka maanta ku xariiray Ra’iisul Wasaaraha dalka Seerbiya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxa ay khadka telefoonka maanta ku wada xiriireen Ra’iisul Wasaaraha dalka Seerbiya, Ana BrnabiΔ‡ oo ay ka wada hadaleen xoojinta iyo adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kala hadlay in Dowladda Seerbiya inay naga cafiso deynta kadib markii uu sharraxaad ka siiyay hiigsiga Xukuumadda #DanQaran iyo shaqada ay ka qabatay hannaanka iyo dhameystirka shuruucda muhiimka u ah deyn cafinta.

Dowladda Seerbiya oo kaalmada bina’aadanimo soo gaarsiisay dadkeenna xilligii ay abaartu jirtay, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ugu mahadceliyay, isagoo ku bogaadiyay in ay kordhiyaan tirada deeqaha waxbarasho ee ay dalkeenna siiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale