Milateriga Maamulka Yahuuda oo duqeymo culus ka fuliyey Qaza

Date:

Milateriga Maamulka Yahuud ee  Israa’iil ayaa sheegay in ay qaadeen weerarro dhanka cirka ah oo aargoosi ah kuwaas oo ay ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla Qaza iyo koonfurta Lubnaan ka dib markii in ka badan soddon gantaal lagu riday Israa’iil.

DagaallamayaashaFalastiiniyiinta ee ku sugan Qaza oo iyagana weerarkaasi ka falcelinaya ayaa gantaalo ku garaacay koonfurta Israel.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa goor sii horreysay shaaca ka qaaday in cadawga dalkiisa uu cawaaqib adag la kulmi dooni.

Dhanka kale hoggaamiyaha Xamaas, Ismail Haniyeh, oo ku sugnaa Lubnaan markii gantaallada la ridayay ayaa carrabka ku adkeeyay in Falastiiniyiintu “aysan gacmaha isa saran doonin” oo ay ka dhiidhin doonaan gardarrada Israa’iil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...