Gobol ay hore abaaro uga jireen, oo haatan ay roobabku ku dileen 21 qof

Date:

Ugu yaraan 21 qof oo ay ku jiraan lix caruur ah ayaa ku dhintay daadad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay Soomaaliya toddobaadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay xafiiska isku xidhka gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay.

Ku dhowaad 100,000 oo qof ayay saamayn ku yeesheen roobabka mahiigaanka ah ee da’ay iyo weliba daadadka xoogga badan ee ku dhuftay deegaano ay hore uga jireen abaaro daran, sida deegaano hoosyimaadda degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya.

Gobolkan ayaa u dhow xuduudda Ethiopia halkaas oo ay ka da’een roobab xooggan oo laga cabsi qabo inay sare u qaadaan heerka biyaha ee webiyada Shabelle iyo Jubba.

Hay’adda maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in daadadku ay burburiyeen qaar ka mida goobihii caafimaadka.

Hay’adda maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah ayaa raashin kala duwan gaadhsiisay illaa 250 qoys oo ku nool degmada Baardheere.

Wararka ayaa intaas ku daraya in daadadkani ay burburiyeen afar iskuul iyo illaa 200 oo musqulood, taasoo carqaladaysay waxbarashada illaa 300 oo caruur ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Warbixintan waxaa qortay AP

SONY DSC

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...