Guddoomiye Madaale oo uu wehliyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooga oo kormeer ku sameeyay qeybta Saalada Isbitaalka Xooga dalka Soomaaliyeed

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu weliyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabaas Amiin Cali iyo Guddiga Bangiyada Soomaaliyeed, ayaa kormeer ku sameeyay qeybta Saalada Isbitaalka Xooga dalka Soomaaliyeed oo dib-u-dhis lagu sameeyay taasi oo ay maalgeliyeen Guddiga Bankiyada Soomaaliyeed.

Dib-u-dhiskaan ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho uu ka codsaday Guddiga Bangiyada Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan dib-u-dhiska Isbitaalka xooga, Waxa uuna Duqa Muqdisho kaga mahadceliyay guddiga bangiyada jawaabta ee ka bixiyeen codsigaasi oo suuragal ka dhigay in maanta Taliska Ciidanka Xooga dalka lagu wareejiyo Qeybta Saalada ee Isbitaalka xooga dalka oo dib-u-dhis balaaran lagu sameeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...