Waxqabadka dowlada Federaalka Soomaaliya

Date:

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal taariikhi ah ku tegay magaalada Aadan Yabaal oo ka mid ah degaannada laga xoreeyay Al Shabab.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in degaannada laga xoreeyay Khawaarijta ay dowladdu gaarsiin doonto adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka.

3- Dowladda Soomaaliya oo dib u howl-gelisay isbitaalka degmada Aadan Yabaal.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa dib u howl-geliyay isbitaalka degmada Aadan-yabaal kadib sanado badan oo Khawaarijta Al-shabaab ay xireen.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa laamaha amniga ee qaranka iyo kuwa Gobolka Banaadir kala hadley sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

5- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa daah-furay hirgelinta adeegga isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka.

6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo au hirgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed.

7- Turkiga oo gaadiid dagaal ugu deeqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray tartanka Kubadda Cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

9- Xafiiska La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS oo qabtey shir sannadeedka maareynta hubka iyo rasaasta, kaas oo diiradda lagu saarey qorshaha qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

10- Golaha Wasiirada oo la horgeeyay warbixin iyo talooyin 18 qodob ka kooban wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha gaadiidka Bajajta.

11- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo Jubbada Hoose ku dilay dhowr ka tirsan Khawaarijta, gacantana ku dhigay horjooge ka tirsanaa argagixisada.

12- Horjooge Dhuurre Yuusuf Garow (Hilal) oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Baydhabo.

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shaaciyay bilowga barnaamij loogu magac darey “xoriyad ku afur” oo laga fulinayo degaannada laga xoreeyay argagixisada Al Shabab.

14- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in la bilaabayo hawlgal lagula dirirayo mukhaadaraadka.

15- Dowlad Goboleedka Puntland oo xukun dil ah ku fulisay 10 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa oo maxkamad ay ku heshay inay ka dambeeyeen dilka dad shacab ah oo lagu dilay Gaalkacyo.

16- Soomaaliya oo saxiixday sharciga la dagaalanka kaluumaysiga sharci darrada ah.

17- Shirka daah-furka Warbixin Muuqaaleedka Dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmay mogdisho

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...