Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii saddex iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 5-aad ee wareegga koowaad  ku tartamay Degmooyinka Wadajir iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Wadajir iyo Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Wadajir

Tartameyaasha Degmada Wadajir ee Gobolka  Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ttodobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen Shan  su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay  heleen tartameyaasha Wadajir, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Wadajir ay heleen waxay noqotay Afar (4)  dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey  ee Gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay  todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideesteen Labo su’aal oo soo hareermartay Tartamaayasha Wadajir,  sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbahaareey waxay noqotay  Afar iyo Toban (14) dhibcood, taasi oo noqoneysa dhibcihii ugu badnaa ee ay degmo ku badiso inta uu tartanka furmay.

Hadaba kulankii 5-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Garbahaareeyy ee Gobolka Gedo, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Barnaamijka sanadkan oo lagu soo kordhiyay su’aalo la weydiinayo dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka marka la gaaro qeybta dhextaalka ayaa caawa su’aashii dadweynaha la weydiiyay oo dul saarneyd  30$ ka jawaabay  Cabdullaahi Cabdiwahaab Cabdullaahi oo jooga degmada Warta-Nabadda, kaasi oo ku guuleystay 30$ dollar oo abaalmarin ah oo ay bixineyso Bankiga IBS.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 6-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Hodan iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...