𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗗𝗵𝗶𝗶𝗿𝗿𝗶-𝗴𝗲𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗴𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘅-𝘀𝗼𝗼𝘀𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgeliyaan dalka burburkii kaddib.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhiirri-gelinaya maalgashiga Warshadaha iyo Wax-soosaarka beeraha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada.

Xukuumadda DanQaran ayaa qorsheynaysa sannadaha dhow in la sameeyo aag u gaar ah Warshadaha, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee deggan xarumaha dowladda in la banneeyo, si loogu adeeggo dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in cunto yaridu ay tahay dhibaato weyn oo caalamka heysata, sidaas awgeedna ay Xukuumaddu dhiirri-gelinayso maalgashiyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee xagga warshadaha iyo wax soosaarka beeraha.

Warshadda Burka oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhismaheeda 37 milyan oo dollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...