Madaxweynaha jubbaland oo magacaabay guddiga gurmadka fatahaada ku dhufatay degmada Baardheere

Date:

Kadib Fatahaada ka dhacay Degmada Baardheere taa oo galaafatay naf iyo maal, isla markana u baahan gurmad deg deg ah oo lala gaaro dadka musiibadan ay saamaysay ayaa Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu Halkan ku magacaabayaa Xubnaha Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmada Baardheere oo ka kooban;

Axmed Xasan Cumar -Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka.

Maxamed Axmed Cusmaan – Wasiir Dowlaha Madaxtooyada.

Cabdiraxmaan Cabdi Axmed – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga.

Axmed Maxamed Axmed – Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimandka.

Axmed H. Baraki – Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Biyaha.

Guddigaan uu Magacaabay Madaxweynaha jubbaland ayaa laga filayaa in ay ka shaqeyaan sidii gurmad deg deg ah loola gaari laha dadka ay sameeynta  ku yesheen fatahaada wabiga Jubba uu ka geystay degmada Baardheere degaanno hoos yimaado.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...