Abiy Axmed oo mas’uul ka tirsanTPLF u magacaabay madaxweynaha gobolka Tigray

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Getachew Reda oo ah mas’uul sare oo ka tirsan TPLF u magacaabay madaxweynaha cusub ee maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray.TPLF oo muddo laba sano ah dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay Getachew Reda usoo xushay in uu noqdo madaxweynaha gobolka.

Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalka Tigray, waxaana ka dhashay xaalad banii’aadanimo oo daran, Mareykanka ayaa labada dhinacba ku eedeeyay inay dambiyo dagaal ay ka galeen halkaas.

Tallaabadan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii nabadeed ay labada dhinaca sanadkii hore ku kala saxeexdeen dalka Koonfur Afrika.

Maamulka kumeel gaarka ah ee looga dhaawaqay Tigray wuxuu awoodda sii heyn doonaa tan iyo inta doorashada laga qabanayo, inkasta oo aan la shaacin wakhtiga ay dhaceyso doorashada.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa liiska argagixisada ka saaray kooxda TPLF ee dagaalka kula jirtay dowladda Itoobiya muddo laba sano ah.

.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...