Abiy Axmed oo mas’uul ka tirsanTPLF u magacaabay madaxweynaha gobolka Tigray

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Getachew Reda oo ah mas’uul sare oo ka tirsan TPLF u magacaabay madaxweynaha cusub ee maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray.TPLF oo muddo laba sano ah dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay Getachew Reda usoo xushay in uu noqdo madaxweynaha gobolka.

Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalka Tigray, waxaana ka dhashay xaalad banii’aadanimo oo daran, Mareykanka ayaa labada dhinacba ku eedeeyay inay dambiyo dagaal ay ka galeen halkaas.

Tallaabadan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii nabadeed ay labada dhinaca sanadkii hore ku kala saxeexdeen dalka Koonfur Afrika.

Maamulka kumeel gaarka ah ee looga dhaawaqay Tigray wuxuu awoodda sii heyn doonaa tan iyo inta doorashada laga qabanayo, inkasta oo aan la shaacin wakhtiga ay dhaceyso doorashada.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa liiska argagixisada ka saaray kooxda TPLF ee dagaalka kula jirtay dowladda Itoobiya muddo laba sano ah.

.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...