𝙂𝙤𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙒𝙖𝙨𝙞𝙞𝙧𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙤𝙤 𝙡𝙖 𝙝𝙤𝙧𝙠𝙚𝙚𝙣𝙖𝙮 𝘿𝙖𝙧𝙖𝙖𝙨𝙖𝙙 𝙬𝙖𝙭 𝙡𝙤𝙤𝙜𝙖 𝙦𝙖𝙗𝙖𝙣𝙖𝙮𝙤 𝙙𝙝𝙞𝙗𝙖𝙖𝙩𝙤𝙤𝙮𝙞𝙣𝙠𝙖 𝙖𝙮 𝙡𝙖 𝙠𝙪𝙡𝙢𝙖𝙖𝙣 𝙬𝙖𝙙𝙚𝙮𝙖𝙖𝙨𝙝𝙖 𝙂𝙖𝙖𝙙𝙞𝙞𝙙𝙠𝙖 𝘽𝙖𝙟𝙖𝙖𝙟𝙩𝙖

Date:

Muqdisho, Maarso 23, 2023; Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha  Gaadiidka Bajaajta.

Guddiga oo sameeyey daraasad,baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleydu.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan argagixisadu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...