Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada hadlay la dagaallanka Khawaarijta.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi kaga qayb-galaya shirka Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta ayaa kulan doceed la yeeshay dhiggiisa Ciraaq Mudane Axmed Maxamed Xuseen Qaasim waxayna ka wada hadleen qodobo dhowr ah oo labada dal taabanaya.

Qodobada ugu muhiimsan ee labada wasiir isla soo qaadeen ayaa ahaa sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd khibradda Ciraaq ee la dagaalanka fikirka xagjirnimada iyo argagixisada oo dalkaasi uu natiijo wax ku ool ah ka gaaray.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Ciraaq Mudane Axmed M Xuseen Qaasim ayaa la wadaagay dhiggiisa Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud heerarkii kala duwanaa ee dalkiisu lasoo maray la dagaalanka argagaxisada iyo fikirka xagjirnimada isagoo caddeeyay inay diyaar u yihiin inay walaalahood Soomaaliya la wadaagaan wixii khibrad ah.

Kulanka labada wasiir waxaa ku weheliyay agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS  Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo saraakiil ka kala socotay labada wasaaraddood.

Waxaa sidoo kale halkaa lagu soo gabogabeeyay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday halkaas.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa intii uu shirku socday ka jeediyay khudbad uu kaga waramayo marxaladda kala guurka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed xilligan oo cadowga Al-Shabaab laga xoreeyay inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...