Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday is-afgarad dhanka horumarinta ciidanka Xoogga dalka

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Mudane Larry André ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixay is-afgarad ku aadan horumarinta iyo garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo xoojinta dagaalka Khawaarijta.

“Waxaan maanta aniga iyo Danjiraha Mareykanka Mudane Larry André is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada XDS ee Danab. Waxaan Isku afgaraney xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ahmiyadda is-afgaradkan uu yahay in tababbar iyo qalabeyn loo sameeyo ciidanka Danab, si loo gaaro isku filnaansho ay ciidanka xoogga dalka kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab, isagoo intaa ku daray Wasiirku in dowladda Soomaaliya ayka go’antahay dhismaha iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka.

Munaasabadda ay heshiiska ku kala saxiixanayeen wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan sannadeed kaga qeyb galey deegaanka ceelow

-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali...

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS oo kormeeray goobaha ay Xujeyda Soomaaliyeed ka deggen yihiin Mina

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali...

Hay’adda Boqor Salmaan oo maalintii labaad qeybinayso Hilibka udxiyada 

Waxaa maalintii labaad la qaybinayaa Hilibka udixiyada ee loogu...

Danjire Jabriil oo kulan is xogwareysi la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdille...