Wasiirka Warfaafinta oo kulan sagootin ah la qaatey Madaxa UNDp Soomaaliya

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho kulan sagootin ah kula qaatey Madaxa Xafiiska Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay (UNDP) Mr Jocelyn Mason.

Wasiirka ayaa Wakiilka UNDP uga mahadceliyay waxqabadkiisii la xiriira taageerada dowlad dhiska Soomaaliya intii uu xafiiska joogay. Wasiirka ayaa sidoo kale u sharaxay Wakiilka UNDP taageerada ay Soomaaliya ka fileyso hay’adda xilli ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya xoogga saareyso barnaamijyada xasilinta ee goobaha laga xorreeyay Khawaarijta Al Shabab.

Wakiilka UNDP ee Soomaaliya Mr. Mason ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan wadashaqeyntii kala dhexeysa hay’adaha kala duwan ee Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta intii uu dalka joogay, waxaana uu sheegay in hay’adda UNDP ay sii wadeyso taageeradeeda joogtada ah ee Soomaaliya.

Hay’adda UNDP ayaa ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku hawlan mashaariic kala duwan oo dhinaca horumarinta ku saabsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...