Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga,ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiir Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta

Date:

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare, oo gacanta ku haaya Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiir Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Axmed Cismaan Diiriye si uu uga jawaabo su’aalo dheeraad ah oo ay uga baahdeen sharciga.

Senator Ibraahim Owgaab Cismaan Guddoomiyaha Guddiga oo kulanka shirguddoominayay iyo Senator Layla, ayaa Wasiir dowlaha hor dhigay faalooyin iyo su’aalo ka soo noqday sharciga howrista Xogta Akhrintiisii labaad oo ay qabeen Sanatarrada Aqalka Sare, isaga oo wasiirkuna ka jawaabay dhammaan su’aalihii la waydiiyay.

Xubnaha guddiga iyo wasiirka oo isla gartay waxyaabihii ay sharciga dhowrista guddigu ka qabeen, ayaa ku ballamay wada shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...