Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir looga hadlayo horumarinta Haweenka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS  Marwo, Khadija Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York uga qeyb galay kal fadhiga 67-aad ee shir sanadeedka Guddiga Xaaladaha Haweenka, kaas oo looga hadlo arrimaha horumarinta haweenka, waxaana sanadkan halku dhig u ah horumarinta haweenka hal-abuurka leh iyo isticmaalka tiknolajiyadda casriga ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirrada Haweenka dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ah.

Wasiirka wasaaradda Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Khadija Maxamed Diiriye ayaa ku soo bandhigtay khudbad ay uga hadashay xaaladaha haweenka hal abuurka leh ee Soomaaliyeed iyo horumarka dhinaca tiknolajiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...