[DAAWO] Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirweynaha Waxbarashada dalka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirweynaha Qaran ee waxbarashada dalka ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Madaxweynaha oo dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka soomaaliyeed ayaa xusay in la shaqaaleysiindoono Toban kun oo Macallimiin soomaaliyeed ah si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay helikaraan muwaadiniinta soomaaliyeed.

“Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskoolada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidookale waa in aan dhaqangalinno manhaj mid ah oo Qaran iyo in aan hubino barid tayo sare leh oo  ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah furan inaga oo shaqaaleysiindoona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka, isaga oo ka dalbaday aqoonyahanka, qurbe joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho  oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka

hanaqaadda dalkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...