๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—ป ๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚ ๐—ฎ๐˜† ๐˜…๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ผ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maantaย  kormeer ku tegay Wasaaradda Caafimaadka si uu u kuur galo habsami u socodka howlaha ay qaranka ugu igman tahayย  iyo qorsheyaasha horutabinta u leh, taasi oo ay saldhig u tahay isla xisaabtan iyo in bulshada loogu adeego si hufnaan leh .

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Mudane Dr Cali Xaaji Aadan ayaaย  uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha tallaabooyinkii ugu danbeeyay ee loo qaaday xagga horumarinta hannaanka caafimaadka dalka iyo caqabadaha jira.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse oo tilmaamay ahmiyadda ay Wasaaradda Caafimaadku u leedahay guud ahaan dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo daboola baahidooda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saarayso horumarinta adeegyada bulshada, dibna loo dhisi doono goobihii muhiimka ahaa ee dadweynaha Soomaaliyeed ka heli jireen adeegyada bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...