Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin ayaa lagu soo dhoweeyay Magalada Kismaayo

Date:

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Kismaayo.

Safarka Taliyaha  ayaa daaran ujeedooyin kala ah.

1- Golaha Taliyeyaasha Booliska Dalka oo halkaas ku yeelanaya shir looga arrinsanayo hanaanka cusub ee Boliiska dalka labadiis heer (Boliiska Federaalka ah iyo Boliiska Dowlad Goboleedyada)

2- Mideynta mashruuca taakuleynta iyo jaangoynta baahiyaha booliiska dalka.

3- Arrimaha amniga dalka sida maareynta qaraxyada, isisoo dhiibayaasha ka yimaada argagixisada iyo arrimaha socdaalka.

Inta uu shirku socdo Taliyaha iyo wafdigiisu waxay booqa doonaan, una kuur-geli doonaan hanaanka shaqo ee booliska dowlad goboleedka Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...