Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo 15-sano oo Xabsi ah ku riday Dhagarqabe katirsan Al-shabaab

Date:

Ayuub Cismaan Sheekh Aadan oo ah 24-jir ku dhashay degaanka Janaale gobolka Shabeellada Hoose ayaa lasoo qabtay, isagoo ku eedeysan inuu tuurista Bam-gacmeedka u qaabilsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, maxkamadda ciidamada ayaa maanta ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah.

Ayuub ayaa horay isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya, isagoo soo maray xarunta dhaqan celinta ee loogu talagalay kuwa ka soo haray fikirka xagjirka ah, Ayuub ayaa dib ugu laabtay Khawaarijta markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta oo la fasaxay kadib.

Ayuub ayaa ku soo bartay Bamba tuurista tuulada Siigaale oo u dhow degaanka Janaale, shaqadii ugu horeysay wuxuu Bombo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray oo ku sugan Janaale, wax khasaare ahna ma geysan, ciidankii uu weeraray ayaa soo qabtay ninkaan.

Maxkamadda ayaa ugu danbayn maanta Go’aan ka soo saartay Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq, waxayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....