Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare oo Maanta la kulmay Madaxda wasaaradda Amniga Gudaha XFS

Date:

Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare ee BFS  oo gudanaya waajibaadka ku xusan Qodobka 77aad ee Dastuurka KMG ah ayaa ugu yeeray Xarunta Golaha Aqalka Sare  wasaaradda Amniga Gudaha XFS iyo Hay’adda Socdaalka  iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,si ay u waydiyaan su’aalo la xariira Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga  Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare sen Aaden Cabdinaasir Maxamed iyo xubnaha Guddiga ayaa soo dhoweeyay Masuuliyintan oo uu  hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xagaa.

Guddiga Amniga ayaa wax ka waydiiyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo hadda horyaalla Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare,Wasaaradda iyo Hay’adda  ayaa ka jawaabay dhammaan weydiimihii uu Guddigu hordhigay.

Kulanka gebagabadiisa waxaa lagu ballamay wada shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaawday...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...