Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo furay shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya

Date:

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen madax ka socota heyโ€™adaha dowladda iyo Beesha Caalamka, ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya, si looga hortago biyo yaraanta iyo in laga faa’iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda.

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto. Xukuumadduna ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabta dadkeenna.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo laโ€™aanta ka jirta goobaha dhowaan laga xorreeyay kooxaha Khawaarijtu oo burburiyey ilo-biyoodyadii ku yaalay deegaannadaasi.

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Beeraha Dhirta iyo Waraabka, Wasaaradaha Heer Dowlad Gobaleed, Hayโ€™adaha Deeq-bixiyeyaasha, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...