Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Bandhiga Carwada Warshadaha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Bandhiga Carwada Warshadaha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
Bandhigaan oo ay soo qaban qaabiyeen Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu soo bandhigay wax soo saarka Warshadaha ka dhisan dalka, taasi oo loogu kaaftoomayo baahida Ganacsatada Soomaaliyeed ay u qabeen in dalka dibadiisa ay kasoo dhoofsadaan badeecadaha maanta lasoo bandhigay.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Guddiyadda Warshadaha iyo Ganacsiga Gobolka Banaadir, Ganacsato iyo daneeyeyaal kale ayaa kasoo qeybgalay Bandhigaan oo ah kii ugu horeeyay ee lagu qabto dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...