Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Tababar u furay Qaar kamid ah Masuliyiin ka socday Wasaradaha arimaha gudaha Maamul Goboledyda

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta Muqdisho ku daahfuray siminaar ay Wasaaradda qabaneyso oo la xiriira kala faa’ideysiga “Peer Learning”.

Munaasabadda daahfurka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Aidarus M Hassan, Agaasimeyeaal ka socday dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbalands iyo maamul gobolka Banaadir, waxaa kale ka qeybgalaya xubno ka socda beesha caalamka.

Siminaarkan oo 5 maalin socon doona ayaa xoogga lagu saari doonnaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta dib u heshiisiinta iyo kahortagga colaadaha.  Waxaa kale doodo iyo Falanqeyn laga yeelan doonnaa nabaddhiska, colaadaha la xiriira cimilada iyo qaar kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo kulanka furitaankiisa ka hadlay ayaa dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in siminaarka uu noqdo mid nidaam xog uruurin casri ah laga dhaxlo, ayna kasoo baxaan in si cilmi ah looga doodo, loona diiwaangeliyo meel xusuus dhowr ah lagu keydiyo.

Mudane Ahmed Moallim Fiqi waxaa uu intaa ku daray in siminaarkan uu ka gedisan yahay midkii hore, isaga oo rajeeyey in wax badan la baran doono khubarada, kaqeybgalayaashana ay kala faa’ideysan doonaan, gaar ahaan arrimaha la xiriira xallinta khilaafaadka, nabad dhiska iyo kahortagga colaadaha, isaga oo soo qaatay in Soomaaliya ay diyaar u tahay dib u heshiisiin sida uu yahay halkudhegga dowladda, ayna cagta saartay wadaddii nabadda.

Ugu Dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Fiqi waxaa uu sheegay sida uu uga xunyahay dhibaatada ka socota Laascaanood, isaga oo kuceliyey mowqifka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ah in xabadda la joojiyo, ciidanka laga saaro, isaga oo hoosta ka xariiqay in laga gudbay xilligii colaadaha iyo dirirta.

Dhankiisa, madaxa UNDP ee Soomaaliya Jocelyn Mason oo goobta ka hadlay ayaa ugu horreyn waxaa uu bogaadiyay kaalinta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee arrimaha dowladnimada,  wadashaqeynta joogtada ah, isaga oo ammaanay natiijada wejiga hore ee peer leaning.

Jocelyn Mason, waxaa ku celiyey sida hey’adda UNDP ay uga go’antahy gacansiinta barnaamijyada, kala duwan, gaar ahaan kuwa xoogga saara arrimaha haweenka, dhalinyarada, horumarka gobolka iyo dib u heshiisiinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...