Wafdi ka socday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA oo uu Hugaaminayey La-taliye Sare Dr. Ismail Jimale Alasow ayaa shir heerkiiso sareeye uga qeyb galay Magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania.
Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Ururka Midowga Africa, waxaana ka soo qeyb galay 54-ta dal ee Qaarada Africa, waxaa uuna ku saabsanaa Ansiixnta Barnaamijka Adkeysiga Magaalooyinka Afrika (African Urban Resilience Programme).
Shirkaan ayaa muhiim u ahaa Soomaaliya in ay ka qeyb-gasho ayidoo lagu ansixiyey Barnaamijka Adkeysiga Magaalooyinka Afrika kaas oo wax badan ka badali doono hab dhismeedka magaaliyenta dalalka Afirka, waxaana kor loo qaadi doono Fahamka Aqoonta, Tayadda waxyaabaha keeno dhibaatooyinka soo noqnoqda ee la xariira Musiibooyinka dhaca.