Sirdoonka Kuuriyada Waqooyi oo isku diyaarinaya in ay qarxiyaan bambo nuclear ah

Date:

Hay’adaha sirdoonka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa isku diyaarinayaan in ay fuliyaan tijaabadii toddobaad ee bambooyinka nuclear-ka ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ilaa hadda qarxisay lix bamboo oo nuclear ah oo ay ku tijaabisay xarunteeda ku taalla dhulka hoostiisa.

Kuuriyada Koonfureed ayaa baaritaan la xiriira saameynta shucaaca kiimikada ku sameyneysa in ka badan 800 oo qof oo ka soo baxsaday dhinaca Kuuriyada Waqooyi.

Dadkan ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen tijaabooyinkii hubka nuclear-ka ee ay Kuuriyada Waqooyi ka sameysay xarumo ku yaalla dhulka hoostiisa.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa oggolaatay in dadkan la baaro ka dib markii ay codsigaas soo gudbisay hay’ad u doodad xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay magaalada Seol, taasoo sheegtay in dadka ku nool agagaarka xarunta nuclear-ka ay suurtagal tahay inay soo gaartay saameynta qalabka shucaaca halista ah bixiya oo kusoo dusi kara ilaha biyaha.

Hay’adda ayaa aaminsan in dad ka badan nus malyan qof oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi ay halistaas wajahayaan.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Kim Jon-un waxa ay sheegtay in ay tijaabooyinkaas u sameysay si nabad ah oo aysan cidna waxyeello kasoo gaarin, balse seynisyahannada ayaa in muddo ahba muujinayay qeylo dhaan ku aaddan in shucaaha khatarta badan u uku faafi karo ciidda ku dhow xarunta nuclear-ka iyo ila biyaha eek u jira dhulka.

Dadka kasoo cararay Kuuriyada Waqooyi oo mar ku noolaan jiray agagaarka xarunta lagu jiraajiyay hubka wax gumaada ayaa soo tebiyay in ay arkeen cudurro qeyrul-caadi ah oo ay ku arkeen bulshadooda, hase ahaatee seynisyahannada uma suurtageli in ay caddeymo helaan.

Hadda dowladda ka arrimisa Seol ayaa ku yaboohday in baaritaannada calaamadaha shucaaca ku sameyso dhammaan 881-da qof ee u dhashay Kuuriyada Waqooyi, oo kasoo baxsaday magaalooyinka u dhow xarunta nuclear-ka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...