𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗯𝗼𝗴𝗮𝗮𝗱𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗴𝘂𝘂𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗞𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗷𝘁𝗮

Date:

Muqdisho, Feberaayo 23, 2023 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey Shirka Todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumadda oo si qoto dheer looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo guulihii ugu danbeeyey ee laga gaaray  dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlgallada socda iyo goobihii ugu danbeeyey ee laga xoreeyey argagixisada. Iyadoo Goluhu tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarkii ay Khawaarijtu Muqdisho ka geysteen 21-kii bishan.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo jab xooggan ay gaarsiiyeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, gacantana lagu dhigay hub iyo deegaanno cusub oo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen.

Sidoo kale, Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa golaha warbixin ka siiyey howlaha gurmad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadanayaan Gurmadka walaalaha Turkiga ee masiibadu ay ku habsatay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay barnaamijka xasilinta deegaannada la xoreeyey, isticmaalka nidaamka guud ee dowliga ah ee hay’adaha caalamiga ah, barnaamijka deyn cafinta iyo xaaladda dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Niger.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...