𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗯𝗼𝗴𝗮𝗮𝗱𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗴𝘂𝘂𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗞𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗷𝘁𝗮

Date:

Muqdisho, Feberaayo 23, 2023 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey Shirka Todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumadda oo si qoto dheer looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo guulihii ugu danbeeyey ee laga gaaray  dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlgallada socda iyo goobihii ugu danbeeyey ee laga xoreeyey argagixisada. Iyadoo Goluhu tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarkii ay Khawaarijtu Muqdisho ka geysteen 21-kii bishan.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo jab xooggan ay gaarsiiyeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, gacantana lagu dhigay hub iyo deegaanno cusub oo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen.

Sidoo kale, Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa golaha warbixin ka siiyey howlaha gurmad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadanayaan Gurmadka walaalaha Turkiga ee masiibadu ay ku habsatay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay barnaamijka xasilinta deegaannada la xoreeyey, isticmaalka nidaamka guud ee dowliga ah ee hay’adaha caalamiga ah, barnaamijka deyn cafinta iyo xaaladda dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Niger.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...