Ciidanka Xoogga dalka oo dilay maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee fadhigooda yahay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada hoose, ayaa xalay ku dilay Afar xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyaadka khawaarijta.

Howlagalka ayaa dhacay kadib markii ay Ciidanka Xoogga dalka heleen xog ku aaddan koox ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulaya goob ku dhow degaanka Jannaale si ay weerar gaadmo ah ugu qaadaan fariisimada Ciidanka xoogga ay ku leeyahiin halkaas.

Taliyaha guutada 14-ka October ee Xoogga dalka Gaashaanle dhexe, Nuur Maxamed Gaabow โ€œNuur Fareeyโ€ ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Khawaarijta dagaalkan looga dilay Afar xubnood, sidoo kalena laga furtay saanadii ay ku hawlgelayeen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...